|
Muqdisho,(insidesomalia.org)- Afhayeenka Dhaq dhaqaaqa Islaamiga ah ee Alshabaab Sheekh Mukhtaar Roobow (Abuu Mansuur) oo shir jaraa'id qadka taleefanka ugu qabtay Warbaahinta Muqdisho ayaa iclaamiyay dagaal cusub, kaasoo lagu soo beegay bisha barakeysan ee Ramadaan.
Abuu Mansuur waxaa uu sheegay in dagaalkii saaka ka dhacay Magaalada Muqdisho oo ay xoogaggooda qaadeen uu bilow u ahaa dagaalo xiriir ah oo socon doona ilaa 6-da bisha Soon-fur ee soo socota.
“Dagaalladaas wuxuu halkudhigoodu yahay nabadgelyo ma jirto ilaa la helo Islaam sax ah, wuuna socon doonaa ilaa bisha Soon-fur ee soo socota”ayuu yiri Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo kuwo aan toosneyn ku tilmaamay dadka dhahaya dagaallada hala joojiyo inta lagu jiro bisha Ramadaan.
Waxaa uu sheegay in qofka Muslimka isagoo sooman uu dagaalami karo Maalintii, habeenkiina uu cibaadeysan karo, waxaase uu ku tilmaamay kuwo dhahaya dagaalada hala joojiyo kuwo dadka tash wiish gelinaya oo aan toosneyn sida uu hadalka u dhigay.
Sheekh Mukhtaar Roobow mar uu ka hadlayay dagaalkii saaka ka dhacay Magaalada Muqdisho wuxuu sheegay in ay Xoogagga Al-Shabaab dhowr jiho ka weerareen Xarunta Madaxtooyada, isla markaana ay khasaare u geysteen Ciidamadii ka soo horjeeday, halka uu xusay in dhinacooda uu dagaalka uga dhintay hal dagaalyahan, labo kalena ay uga dhaawacmeen.
Dhanka kalena Abuu Mansuur waxaa uu ka hadlay hadal dhawaan uu sheegay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi, kaasi oo ahaa in uu Ciidamadiisa kala baxayo Soomaaliya, wuxuuna sheegay Abuu Mansuur in Meles Zenawi uu caddeeyay in ay Ciidamadiisa ku jabeen Soomaaliya, isla markaana hadalkaas uu ahaa mid uu ku tuugsanayo caalamka.
|